Sakaatul Maal
Sunday, July 21, 2013
Sakaatul Maal
Qormadda 1aad
Sakaatul Maalku waa qormo ama mawduuc aad u balaadhan, hase ahaatee waxaynu isku dayi doonaa in ayno soo koobno oo inta hal-muceedka ah kasoo qaadano,
Haddaba mawduuceenu wuxuu isku gu jiraa laba kalmadood oo kala ah Sako iyo Maal, sakadda hoos baynu ku qeexi doonaaye. Bal aynu isku dayno qeexidda Maalku wuxuu yahay.
Maalka waxa qeexid inoogu fillan inta uu u kala baxo, haynu eegno inta lagu soo ururiyo maalka guud ahaan:
1. Lacag
a. Dahabka iyo Fiddada (Nuquud Mudlaqa)
b. Lacagta waraaqaha ah ama macdanta ah (Nuquud Muqayada)
2. Hanti
a. Hanti ma-guurto ah (Fixed Asset)
b. Hanti Guurta
1. Xoolo Nool
a. Geel
b. Lo’a
c. Adhi
2. Dalagg ama Sarac
a. Dalagg lagu waraabiyo gacan, qalab ama mishiino
b. Dalagg uu waraabiyo roobku.
Waxaaynukusoo qaadan doona qormadeenan Sakaatul Maalka:
1. Qeexidda Sakaatul Maalka
2. Goormay ku waajibtaa Sakaddu Maalka guud ahaan?
3. Side looga Sakeeyaa Lacagaha iyo Dahabka? Laakin goormay ku waajibtaa?
4. Ma la Sakayn karaa waxa loo yaqaan Bonds?
5. Side loo Sakeeyaa Saamigga ama sheerka (share ka)?
6. Side loo Sakeeyaa Ganacsigga? Ganacsi shuraakadda ah ama ka gaarka loo leeyahay ba?
7. Qof dayn badan lagu leeyahay Sako ma ku waajibtaa? Hadday ku waajibto siduu u bixinayaa?
8. Side loo Sakeeyaa Dalagga ama Saraca?
9. Laakin side ugu haboon ee Xoolaha nool loo sakeeyaa?
10. Macddanta dhulka laga faqo side loo sakeeyaa?
11. Side loo Sakeeya kunuus ta aasan sidda dahabka (Rukaas)?
12. Xirfad-layda (farsamo yaqanka) side Sakaddu ugu waajibtaa; tusaale dhakhtarka, iinjineerka, odhadka iyo dhamaan wixii xirfad ku shaqaysta.
13. Shirkaddaha Adeega ah (Serice Company) side looga Sakeeyaa?
14. Yaa la siyaa Sakadda? Side loo kala siyaa dadka la siiynayo Sakadda?
15. Sakaatul Maalka ma laga dhoofin karaa Deegaanka laga ururiyay?

Dhamaan qodobadaa sarre ku xusan mid mid baynu ugu soo qaadan doonaa qormadeenan,
Inta aynan guddo galin qormadeenan; bal aynu eegno waxa ay tahay Sakaddu.
Sako luuqad ahaan ama odhaah ahaan waa nadiifin, baro-kayn, daahirin iyo kobcin.
Sharci ahaan marka loo eego Sako waa xaddi gaar ah, oo maal gaara ah isla markaan qolo gaar ah logu tallo galay,
Ama waxanu odhan karnaa; Sako waa maal ama hanti la asteeyay; ilaahayna u asteeyay dad gaara,
Sakaddu guud ahaan waxay u qaybsantaa laba qaybood:
1. Sakaatul Fiddri
2. Sakaatul Maal
Sakaatul Fiddrigu,asalan waxa uu wajibaa bisha Ramdaan dhamadkeda,labada cisho ee u dambeeya, ilaa salaada salaadda Ciidul Fiddirda inta aan laga soo bixin, wakhtigaa wixi aan ahan Sakaatul Fiddri ma baxdo.
Qofk walabana waxaa ku waajiba 2.5kg (Saac) oo cuntadda loo badan yahaya (Bariiska), intaa aynu ku dhaafno Sakatul Fiddridda.
Uma socono inaynu is dul taagno Sakaatul Fiddrida; laakin si mugg leh waxaynu ugu hadli doonaa Sakaatul Maalka oo wakhtiggan xaadirka ah baahi badan loo qabo.
Sakaatul Maal
Sakaatul Maalka in la bixiyo nusuus badan ba kusoo aroortay, oo Quraan iyo Xadiis ba leh.
Haddii aynu ku horayno quraanka, oo aynu eegno ilaahay sida uu inoo faray in aynu bixino Sakadda bal illa eeg aayada hoos ku xusan.
﴿خُذْ مِنْ أَمْوَالِهِمْ صَدَقَةً تُطَهِّرُهُمْ وَتُزَكِّيهِمْ بِهَا وَصَلِّ عَلَيْهِمْ إِنَّ صَلَاتَكَ سَكَنٌ لَهُمْ﴾﴿١٠٣سورة التوبة﴾
(Waxaad ka qaadaa Nabbi Maxamedow (sc); dadka muslimiinta ah xoolahooda sako (saddaqo), sakadaasoo aad ku nadiifinayso, ood ku tarbiyadaynayso ama aad ku barakaynayso, una ducee markaad Sakadda ka qaadayso; ducadaadu daganaasho ayay u tahay (Muslimiinta); ilaahaba wax waba maqlaya oo oggsoon).
فأعلمهم أن الله قد افترض عليهم خمس صلوات في كل يوم وليلة، فإن هم أطاعوا لذلك، فأعلمهم أن الله افترض عليهم صدقة في أموالهم، تؤخذ من أغنيائهم وترد على فقرائه
(…usheeg (umadda reer Yameneed) in uu ilaahay ku leeyahay dayn maalkooda oo ay ka bixiyaan sadaqo (Sako), iyadoo Maal-qabeenkooda laga qaadayo, Fuqaradoodana lasiinayo).
Sakadda guud ahaan (sakaatul Maal iyo Sakaatul fiddriba) waa waajib saran qof wal oo muslim ah oo awooda inuu iska guddo sakadda.
Sakadda waxa la waajibiyay sannadii labaad ee Hijriyadda (tirrsigga Islamka).
Bal ka waran qofka Sakadda diida?
Sakaddu waa tiirka saddexaad ee shanta tiir-Islaam(shahaadada, oogida salaada, bixinta Sakadda, Soonka iyo xajka tagidisa cidii awooda),
Isla markaan diidmadda Sakadda culimaddu waxay u kala qaaday:
Qofka qirsan sharcinimada Sakada hase yeeshee diidan bixinteeda in aanu diinta kaga baxayn, ee uu Gaf wayn gaystay (aasim), dawlada ama cidii maamul ah ayaa xoog kaga qaaadaysa Sakadda ganaaxna waana loogu darayaa.
Qof diidan waajibnimada Sakadda kaasi uu gaaloobay, gaalanimana waa loola dagaalami karaa, wayo qodob shanti tiir Islaamka ka mid ah ayuu diiday waajibnimadiisa, laakin hadii ay ka tahay jaahilnimo ama isago Islaamka ku cusub waa loo nasteexaynayaa waana la barayaa, wana loo shegayaa, diintana kana bixi maayo.
Waxaa inoogu xiggta qormo ka hadlaysa; Goormay ku waajibtaa Sakaddu Maalka guud ahaan?
Qalinkii iyo Diyaarintii: Mustafe Abib Maxamed
mustafeabib@hotmail.com
Hargaysa, Somaliland
Tel: +252-63-4426103