Sakaatul Maal Q:2

Sakaatul Maal Q:2

Tuesday, July 23, 2013

Goormay ku waajibtaa Sakaddu Maalka guud ahaan?

Qormaddii 2aad

Goormay ku waajibtaa Sakaddu Maalka guud ahaan?

Shuruudahan hoos ku xusni marka laga hello Maalka ayay ku waajibaysaa Sakaddu; iyadoo aynu tilmaami doono Maalka qaar in shuruudo dheeraad ah loo raacin doono qaarna laga aan looga baahnayn inay laga wada hello.
Shuruudahan waxa ay ku kooban yihiin Ganacsigga iyo Lacagaha (Dahab iyo Lacagba):
  1.      Lahaansho Dhamays tirin.

Qofka hantiilaha ah waa inuu u maddax banaan yahay Maalkiisa; kuna taggri falli karo siduu doono intii Shareecadu u banaysay.
Isla markaana waa inaanu Hantiiluhu ama Mulkiiluhu ka maqnayn Hantidiisa marka Sakadda laga qaadalyo, ama aanu ahayn qof aan meel uu ku suggan yahay aan la ogayn, waxaan kugu dalaliina xaddiis nabigu ku shegay oo ahaa  (لازكاة في الضمار).
2.     Inu jiro koboc dhabba iyo koboc Taqdiiri ah (qiyaas ah).

Koboca dhabta ah waa sidda Ganacsigga oo kale ama tarranka xollaha nool.
Koboca Taqdiirigga ah ama qiyaasiga ah waa sidda Dahabka oo kale ama Lacagta ku timaada (exchange)
3.     Inuu gaadho Nisaabkii (xaddiga sharcigga ah).

Nisaabku waa arin aad u muhim ah oo la doonayo inu qofku mar walba niyadda ku hayo ama uu xasuusnaado. Waayo waa meesha qof kastaa ka ogaan karo in Hantiddisa Sakko lagu leeyhay iyo in aan lagu laayn.     
Haddaba Nisaabkan waxaynu u kala saari donaa dhawr qaybood oo uu Maalku ka kooban yahay:
a)      Ganacsigga, Dahabka iyo Lacagta: Lacag markaan leeyahay waa Lacagaha kaydka ah ee dadka meel u yaal, haddaba ganagsigga, Dahabka iyo Lacagtuba waxay ku sakawbaan mark ay gaadhaan 85gram oo Dahab ah naaca 24ka sannadna kaso wareego. Nisaabka waxaa dhaabad addag ama mus-dambeed u ah Dahabka, Somaliland oo kale 1gram ee dahabka nooca 21ka ah wuxu ka marayaa suuqa Hargaysa $52.
b)      Dalagga iyo Saraca: wixii dhulka kaso baxa ee dalagga ama Sarac ah wuxuu noqonayaa Nisaabkoodu 653kg.
c)      Xoolaha Nool: xoolaha nooli oo ka kooban Geel, Lo’ iyo Adhi wuxuu nisaabkoodu noqdaa sedan:
·         Geela: hadii uu gaadho 5 neef sannadna kaso wareego.
·         Lo’da: hadii ay gaadho 30 neef sannadna kaso wareego.
·         Adhi: hadii uu gaadho 40 neef sannadna kasoo wareego.
d)     Macddanta: macaddanta dhulka laga qodo hadii ay gaadho 85gram oo dahab ah qiimo ahaan, qasab maaha macdan tu inay noqoto Dahab laakin qiimah 85gram ayay ku sakoobaysaa, sannad inuu kasoo wareego loo qaban maayo, markaas uunbaa la ga bixinayaa.
e)      Rukaaz ka; Rukaasku waa kaydadkii umadihii hore ee dhulka laga soo faqo, isago malaha Nisaab iyo inuu sannad kaso wareego, intaa laga soo faqay ayaa laga bixinayaa 20%.
4.                 Waa in Quutal Daruurigga ama baahiddada gaarka ah ka baxsan yahay:
Waxaa loo jeedaa in aanu Maalka sakoobayaa aanu noqon Hantidda ma-guurtadda ah (Fixed Asset) sida gurriga aad gasho, Gaadhiga aad u addegsato, qalabka warshaddu ku shaqo, qalabka waraabka beeraha, ama waxa loo qayaan Fixed Assets.
5.                 Waa in Sannad kasoo wareega Hantidda la Sakaynayo :
 Marka laga reebo Dalagga iyo Rukaas ka: Sannadkii hal mar ayaa la ogol yahay in laga sakeeyo Maalka, lama ogola in la goor ama laba siyabood hal Hanti laga qaado. Xadiis shariif ah baa ahaa
متفق عليه.                                           . ((لاثنى في الصدقة
Sannadkii Maalka waxaa laga qaadayaa 2.577 % hadii uu Hantiiluhu isticmaalo Gregorian Calendar (sannadka miilaadigga), Hadii kale oo uu Mulkiilha maalku isticmaalo Sannadka Hijjirgga waxaa laga qaadayaa 2.5 %. Faraqa waxaa keenay labada sanno oo is dheer 7 cisho. (365 cisho – 358 cisho).

Qormadda xiggta waxaynu kusoo qaadan doonaa; Side looga Sakeeyaa Lacagaha iyo Dahabka?Laakin goormay ku waajibtaa?

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *