Side looga Sakeeyaa Lacagaha iyo Dahabka?Laakin goormay ku waajibiysaa? Q:3aad
Qormaddii 3aad
Side looga Sakeeyaa Lacagaha iyo Dahabka?Laakin goormay ku waajibiysaa?
Lacag markaynu ka haddlayno, waa dhamaan Lacagaha kayd ka u yaal account nada, ama ku kaydsan qasnadaha.
Waxanu naqaanaa in dahabka loo haysto kayd ama laga dhigto shay stander ah oo aan sarifkiisu hore isku badalin.islama markaana si baaahsan caalamka looga isticmaalo.
Haddaba in sako laga qaado dahabka iyo lacagta waxay lagu xusay Quraanka, Xadiisaka rasuulka (SC) iyo Ijmaaca culimadda Islaamka mucaasir ka ah.
Haynu soo qaadano daliiladan sarre ku xusnay sid
ay u kala horeyaan.
Quraan ku wuxu ka yidhi sakadda Lacagaha iyo Dahabka:
وَالَّذِينَ يَكْنِزُونَ الذَّهَبَ وَالْفِضَّةَ وَلَا يُنفِقُونَهَا فِي سَبِيلِ اللَّـهِ فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ ﴿٣٤﴾
(Kuwa kaydiya dahabka iyo Fiddada (macadam lacag qalin yidhaa), oo aan bixinaynin Maalkaa ay kaydiyeen dariiqa ilaahay; ugu bushaaree caddaab daran).
Xadiiska rasuulkuna wuxuu ka yidhi sako ka bixinta Dahabka iyo Lacagta (nuquud)
( قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهم عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَا مِنْ صَاحِبِ ذَهَبٍ وَلَا فِضَّةٍ لَا يُؤَدِّي مِنْهَا حَقَّهَا إِلَّا إِذَا كَانَ يَوْمُ الْقِيَامَةِ صُفِّحَتْ لَهُ صَفَائِحَ مِنْ نَارٍ فَأُحْمِيَ عَلَيْهَا فِي نَارِ جَهَنَّمَ فَيُكْوَى بِهَا جَنْبُهُ وَجَبِينُهُ وَظَهْرُهُ كُلَّمَا بَرَدَتْ أُعِيدَتْ لَهُ فِي يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ حَتَّى يُقْضَى بَيْنَ الْعِبَادِ فَيَرَى سَبِيلَهُ إِمَّا إِلَى الْجَنَّةِ وَإِمَّا إِلَى النَّار……)
(Rasuulku wuxuu yidhi (CS), qofkii haysta Dahah ama Fiddo oo an ka bixin xaqaga lagu leeyahay(sako), aakhiro waxay ku noqonaysaa safeexad naara (birr kulul)………)
Hadii aynu usoo noqono Ijmaaca ama fatawada culimadda muslimiintu waxay ka yidhaadeen, shirkii 9aad wareegii (dawradii) 3aad ee ay isku yimaadeen مجمع الفقه الإسلامي Waa golle culimaddu Isalku leeyihine, waxay ku sheegeen,
(العملات الورقية نقود إعتباريه فيها صفة الثمنيه كامله, ولها الأحكام الشرعيه المقررة للدهب والفضه من حيث أحكام الربا والزكاة والسلم وسائر أحكام)
(Lacagta waxa loo aqoonsanayaa dhaama wixii sharci ah ee uu lahaa Dahabka iyo fiddadu, haday noqota sida ay ku ribboobayso ama sidday ay ku sakoobaysoba….)
Intaa waxaa inagag fillan wixii daliilo ahaa ee waajibiyay in Dahabka iyo Lacagta Sako laga qaado.
Haddaba aynu is waydiino goorma ayaa la sakaynayaa? Sideena loo sakaynayaa?
- a) Lacagta;
Waa ta horee waxaa la sakaynayaa Dahabka iyo Lacagta marka ay gaadhaan 85gram oo Dahab ah sannad marku kaso wareego, waxaana ka go’aya 2.577% hadii uu isticmaalo sannadka Miilaadiga ah (Gregorian Calender), hadii uu istcmaalo Hijjrigana waa 2.5 % ,Faraqa waxaa keenay; labada sanno oo is dheer 7 cisho. (365 cisho – 358 cisho).
Wayo sidda hore aynu usoo sheegnay dhamaan Maalka(Hantidda) waxaa u mus-dambeeda Dahabka oo lagu qiyaasayaa, marka laga reebo xoolaha nool iyo Dalagga dhulka kasoo go’a.
Ok. Ma is waydiisay 85gram xagguu ka yimid?
Wuxuu ka yimid xadiis rasuulku (CS) ku shegay inta Nisaabku Dahabka iyo Lacagahuba ku waajbayso.Wa kan xadiiskii:
(ليس فيما دون عشرين مثقالا من الذهب صدقة)
( wixii aan gaadhin 20 misqaal oo Dahab ah, sako laguma laha).
Haddaba halka misqaal ee dahabka saafigga ah wuxuu udhigmaa 4.25gram Dahab ah.
20 misqal X 4.25gram = 85gram, (halkaa ayuu ka yimid 85gram ee dahabka ah)
Ok, Marka la joogo Somaliland gaar ahaanmagaallada Hargaysa halka gram ee Dahabka noca 24ka ah wuxu ka marayaa $52 dollar; markaa qofkii haysta lacag dhan $4,420 (afar kun iyo afar boqon iyo labaatan dollar) waxa ku waa jibaysa Sako. (85gran x $52 = $4,420).
Tusaale; Haddii aad haysato lacag dhan $5,000(shan kun oo dollar) imisa sako ah ayaa ka baxaysa?
Waxa ka baxaya: $5,000 X 2.577 % (milaadi calendar) = $128.85 (sako)
Ama hadii Hijjriga ad isticmaasho 5,000 X 2.5% = $125 (sako)
b) Dahabka:
Dahabka waxaa loo isticmaalaa laba siyaabood wakhtigeenan xaadir ka ah,
· Dumarka oo isku qurxiya
· Kayd iyado lacag ahaan loo kaydsado.
Dumarku siyaabo badan ayay u hantiyaan dahabka; haddii ay noqoto inay isku qurxiyaan oo ay iskood usoo iibsadaan iyo iyagoo Meher lagu siiyo, si kastaba ha usoo galee dahabku waa hanti la taaban karo.
Haddaba dahabka dumrku isku qurxiyaan sako ma ku waajibtaa?
Sidda qaalibka ah ee ay culimaddu isku raacday dahabka dumarku isku qurxiyaan sako laguma laha; hadii aanu ka bad-badis jirin, ka bad-badis waxa loga jeedaa, waa in aanu ka badan inta dhaqan ahaan loo leeyahay in dumarku isku qurxiyaan isla wadankaa ay ku nooshay, waayo ma jiro xaddi go’an oo loo dhigay in dumarku isku qurxiyaan, waayo dal iyo dad walbaaba wuxuu leeyahay caado ama xaddi ay dumarkoodu isticmaalaan, hadii markaa qofka dumarka ah ay haysato dahab ay isku qurxiso isla markaana ka badan xiddiga wadanka ay joogto dumarkeedu isku qurxiyaan, markaas ayay sako ku waajibaysaa dahabkeedaa.
Dahabka kayd ka ah, sako ayaa ku waajibaysa hadii uu gaadho 85gram oo nooca 24ka ah. Sannadna uu kaso wareego, markaa waxaa ka go’aya 2.577 % haduu Miladi Calendar uu isticmaalo, hadii Hijjriya uu isticmaalana 2.5% (farax labada sano u dhexeeya waa 7 cisho intaas baa keentay fraction kaa 0.077).
Dahabku wuxuu leeyahay cabirro kala duwan, tusaale dalkeena Somaliland waxa laga isticmaala dhawr nooc oo kala ah 24, 21 iyo 18, haddaba siday noqonaysaa sakadisu qofka haysta nooc ka mid ama laba nooc oo kamid ah.
Tusaale: hadii aad haysato Dahab xaddigiisu yahay:
1. 85gram oo nooca 24ka ah
2. 85gram oo nooca 21ka ah
3. 85gram oo nooca 18ka ah
Ma wada sakoobayaan mar hadi ay wada gaadheen 85gram mise ma wada sakoobayaan?
Sidda culimaddu isku raacday ee raajixa ah waxa la qaataa dahabka nooca ugu sareeya (24ka) oo ah ka ugu saafisan uguna qaalisan, wixii ka hooseeya 85gram oo nooca 24ka ah sako laguma laha, wixii leeg ama ka sareeya 85gram nooca 24ka ah ayuunba sako ka bixi kartaa.
Si kale;bal ila egg, haddii Dahabka aad haysataa aanu ahayn Dahabka nooca 24ka ah; side oo xisaabin karaa lona ogaan kara inta Sako ka bixi karta?
Sidan ayaa loo xisaabinayaa:
Waxaynu u wadda badalaynaa Dahabka nooca 24ka ah.
85gram oo 21ka = 85g X 21= 74gram oo nooca 24ka ah. (sako kama go’do)
24
85gram oo 18ka = 85g X 18 = 63.75gram oo nooca 24ka ah. (sako kama go’do)
24
85gram ee 24ka = 85g X 2.577% = 2.19gram, ama 2.19 X $52 = $113.9 (Sako, oo lacag ah)