Ma la Sakayn karaa waxa loo yaqaan Bonds? Q:4aad
Qormaddii 4aad
Ma la Sakayn karaa waxa loo yaqaan Bonds?
Bonds ku waa qaabab ka mid ah qaababka maalgalinta, waana waraaq ay soo saaraan Banks iyo Shirkaddaha qaarkood, waa document leh qiimo magacageed oo ku soo baxo iyo qiimo lacageed oo lagu bixiyo hadhaw.
Bonds hadii aan tusaale idinka siiyo, kasoo qaad mashruuc $100,000 ( boqol kun oo dollar) ayaa Banka dhexe doonayaa inuu u dhiso dadwaynaha. Wuxu soo saarayaa Bonds ka oo ah document ay ku cadahay mashruucaa iyo xaddiga lacagta ah ee ku baxaysa mashruucaa, waxaana looso bandhigay shirkaddaha dhiska tusaale ahaa.
Si kale hadii aynu usoo yara dhawayno Bonds waxay ka kooban yihiin:
· Daymiye (Shirkadd)
· Dayn qaate (Bank)
Markaa Shirkaddii heshay ayaa documentgii qaadanaysa, isla markaana dhisaysa mashruucii iyadoo loo balan qaadayo in loo celin doono 10% faa’iido ah, lacagtaa ay ku dhistay ayaa loo saarayaa 10%. Hadhawna waxaa usoo noqon doona $100,000 + 10% = $110,000 (boqol iyo toban kun oo dollar).
Runtii waxaa halka ka muuqda wixii la odhan jiray Ribbadda, waana ka xaaraan muslimka Bonds kuna waa xaaraan in la sakeeyo, waayo waxaa ku jira Ribbo cad, dayntii lagaa daysaday oo lagu daray faa’iido daynta ku timid, sidaa ayay ku xaaraatinimaysan tahay.
Macahadka Dhaqaalaha Islaamku (Islamic Financial Institution) wuxuu muslimiinta badalkii Bonds ka uga dhigay wax la yidhaa Sukuuk, Sukuuk ma laha ribo waa xalaal.
Ok, Haddi aad tahay dayn bixiye (shirkad); tusaale ahaanba ad bixisay lacagta mashruucaa ee $100,000, sako ma lagu leeyahay?
Inkasta oo aynu hore usoo sheegnay in Bonds uu xaaraan yahan in sako laga qaadaa, haddana tani way ka duwan tahay; wayao waxan ka hadlaynaa lacag ay leedahay Shirkaddi, waana la sakaynayaa $100,000 kaa, inta dheeraataa ee faa’iidada ah (profit) waxa sako ah laga qadi maayo, waayo waa Ribo. $100,000 (boqol kaa kun ) ayay sako ka baxaysaa, wadaana ka baxaya xaddi dhan.
a. $100,000 X 2.577% = $2,577 (Gregorian Calendar)
b. $100,000 X 2.5% = $2500 (Hijri Calendar).
Qormadda xiggta waxaynu kusoo qaadan doonaa; Side loo Sakeeyaa Saamigga ama sheerka (share ka)?