Qof dayn badan lagu leeyahay Sako ma ku waajibtaa?Hadday ku waajibto siduu u bixinayaa? Q: 7aad

Qormaddii 7aad
Qof dayn badan lagu leeyahay Sako ma ku waajibtaa?Hadday ku waajibto siduu u bixinayaa?
Daynta waxaa loo  yaqaan, maal ah oo lagu lee yahay qof (xagga dhaqaalaha).
Qofka haduu dayn aasan yahay (ku badan tahy); isla markaana uu haysto maal gaadhi kara intii ay maalku ku sakoobi jireen ($4,420) 85gram oo Dahab ah nooca 24ka ah, marka laga reebo baahiyihiisa gaar ah (Hanti saafi ah oo dheer baahiyaha gaar ka ah). Waxaynu u kala qaadayna qodobadan hoos ku xussan:
1.      Hadii Hantidda uu haysto qofka daynta lagu leeyahay (Mudayin) aanay dheerayn baahidiisa aasaasigga ah wax sako ah oo ku waajibaysaa ma jirto.
2.      Hadii uu Dayn bixiyuhu uu haysto dhawr maal ama hantiyood oo kala duwan sida: Xoolo Nool iyo Hantdi lacageed ama Hanti dhuleed, isla markaana ay dheer yihiin baahidisa aasaasigga ah.
Waxa qiimaynayaa xaddiga daynt ah ee lagu leeyahay dayn bixiyaha, kadib marka ayaa laga jarayaa daynta lagu lahaa hantidiisii, baaqiga soo hadhaa hadii uu gaadho ama ka bato 85gram oo Dahab ah nooca 24ka ah ama $4,420 wakhtigeenan, maalkisaa uu ka sako bixinayaa. Iyagoo ka bixin doona 2.577%  (Gregorian Calender) ama 2.5%  (Hijri Calendar).
3.      Dhan kale, hadii ay dayn kaamaqan tahay waxaynu u aqoonsan jirnay Hanti kaa maqan ama Hantidaada Guurtadda ah (Current Asset), waxaynu u kala qaadi doonaa:
                                                              i.      Dayn gaaban oo xilli dhaw soo hoyan karta ama rajo fiican laga qabo: maalka sakoobaya waa lagu daraya. (way sakoobaysa).
                                                            ii.      Dayn wakhti dheer oo aan la filayn sannad gudihii inay kusoo dhamato: taa Hantidada guud waad ka jaraysaa, lagamana sakaynayo. Hadii badh ka mid ah sannadkan lagu siinyo intaa laguu balan qaaday ayad ka sakaynayasaa.
                                                          iii.      Dayn laga quustay, ooo aan marnaba inay soo noqoto la filayn, haba soo noqotee: wax sako ah laguma laha, hadday soo noqoto iyadoo tusaale ahan kaa maqnayd 5sano, waxad ka sakayn uun Hal sanno (5sano ka sakayn maysid).
4.      Hadduu Bank kugu maal galiyo $100,000 (boqol kun); oo aad sannadkiiba aaad bixinayso $10,000 (toban kun), 10,000 (toban kun) ee sannadkan laga doonayo markad ka jarto daynta guud (100,000), $90,000 ee soo hadday maal galintii (dayntii) waad ka goynaysaa Hantidii sakoobaysay, kaliya $10,000 (toban kun) ayaa la sakaynaa, inta kale $90,000 wax sako ah kuma waajibayso.
Qormadda xiggta waxaynu kusoo qaadan doonaa: Side loo Sakeeyaa Dalagga ama Saraca?
Qalinkii iyo Diyaarintii: Mustafe Abib Maxamed
mustafeabib@hotmail.com

Tel: +252-63-4426103

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *