Side loo Sakeeyaa Dalagga ama Saraca? Q: 8aad

Qormaddii 8aad
Side loo Sakeeyaa Dalagga ama Saraca?
Dalagga ama saraca waxay sako ku waajibtaa dhamaan wixi dhulka soo baxa; ee la beerto (wixii aanad beeran ee iska soo baxa sako laguma laha),
            Hanynu eegno diintee macaani waxay ka tidhi sakaynta Dalagga ama saraca:
 267:سورة البقرة: La bracket.png يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ أَنفِقُواْ مِن طَيِّبَاتِ مَا كَسَبْتُمْ وَمِمَّا أَخْرَجْنَا لَكُم مِّنَ الأَرْضِRa bracket.png
(Dadkii illahay rumeeyoow; wax ka bixiya waxad shaqaysateen, dhulka nimcadanu idiinka soo saarnayna wax ka bixiya)
عن النبي صلى الله عليه وسلم قال( فيما سقت السماء والعيون أو كان عثريا العشر وما سقي بالنضح نصف العشر)
Nabbiggu (CSW) wuxuu yidhi: (dalaggii uu cirrku waraabiyo ama xididkisa ku cabba (an hawli galin) 10% ha laga sakeeyo, hadii lagu illilad lagu waraabiyo (qalab) 5% ha laga sakeeyo).
            Wixii dalagg ah ama sarac ah ee dhulka kasoo baxa iyadoo aan la beerin oo iskii iskaga baxa wax sako ah lagumalaha (dhirta iska baxda).
Goormay ku waajibtaa Sakadu dalagga?
Dalagga ama saraca looma eego muddo ay ku sakawdo sidii Ganacsigga, laakin xili kasta oo uu soo go’o ama bislaado dalaggu way ku waa jibaysaa, waxaana inoo daliil ah
وَآتُواْ حَقَّهُ يَوْمَ حَصَادِهِ وَلاَ تُسْرِفُواْ إِنَّهُ لاَ يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ  ): سورةالانعام:
(Ka Sakeeya marka dalaggu idiin so go’w).
           
            Nisaabka uu ku sakoobi karaa dalaggu waa marka  uu gaadho 653kg (shan wisqi), sidda Nabiggeenu inoo sheegay (SCW):
 عبد العزيز بن محمد عن عمرو بن يحيى المازني عن أبيه عن أبي سعيد الخدري ( أن النبي صلى الله عليه وسلم قال ليس فيما دون خمس ذود صدقة وليس فيما دون خمس أواق صدقة وليس فيما دون خمسة أوسق صدقة) 
Nabigeenu wuxu yidhi (SCW) (Wixii ka yar 5 wisqi laguma laha Sako)
wisqigu wuxuu u dhigmaa 130.56kg markaa halkaa waxanu kaso saari karnaa Nisaabkii Dalagga ama Saraca sidii aynu hore u soo sheegnay 130.56kg X 5wisqi = 652.8kg.
Ok, marka uu Nisaabka gaadho Dalaggu xadi intee leeg ayaa sako ahaan loga qaadayaa?
Waxaynu u kala qaadayna saddex waaxood Dalagga mid walba xaddi gooni ah ayaa looga Sakaynayaa
1.      Dalagg roob waraabiyay oo aan wax hawl ah kaa kagalin waraabkisa waxa la ga bixinayaa 10% Sako ah.
2.      Dalagg lagu waraabiyay gacan ama mishiin waxaa Sako ahaan laga qaadayaa 5%
3.      Dalagg roob waraabiyay isla markaana mishina lagu warabiyo ama gacan ba waxaa Sako ahaan waxa laga qaadaya 7.5%. hadii uu mad-madaw kaa galay waraabkan dambe 10% ayaa laga Sakaynayaa.

    Haddaba markaa la Sakaynayo Dalagga intaan la eegin inuu gaadhay Nisaabkii iyo in kale, ka hor waa in laga gooyaa dhaman wixii kharash galay, tusaale ahaan; kharashkii kaa galay shinnidda, bac-riminta iwm.
                Haddii qofka Dalagga beertay uu u beertay inuu ka ganacsado, wuxuu ugu Sakaynayaa sidii Ganacsigga oo kale, waxaa loo eegayaa inuu gaadho 85gram sannadna ka soo wareego.
                Haddii Dalaggu lagu beeray Hashiiska loo yaqaan Musaaqaah; waa heshiisyadda muslimku ogol yahay; oo ah qof wuxu leeyahay beerta qofna shaqadeda iyo hawsheeda oo dhan, isla markaana ay ku heshiiyaan Ratio go’an
    Haddaba marka uu Dalaggu soo go’o, mid waliba oo labada ka tirsani inta kusoo hagaagta hadii ay gaadho Nisaabkii ayuunbuu ka Sakaynayaa sidii looga Sakayn jiray Dalagga.
    Xeerarka guud ee Sako bixinta Dalagga iyo Sacara
    1.       Dalagga waa in la abla-ableeyaa ama kala saara iyadoo loo kala sarayo Dalagg iyo Midho.
    2.    Haddii Dalaggu iskugu jiro mid aan wanaagsanayn iyo mid wanaagsan; Sakadda meel dhexe ayaa laga bixinayaa in wanaagsan iyo aan wanaagsanayn ayaa la isku darayaa.
    3. Qofka Beeralayda ah haddii beerihiisu dhul kala durugsan ku yaalaan Dalagga ka so go’a labadas Beerood waa la isku darayaa waana la isku Sakaynayaa.
    4. Qofka sakadda bixinayaa, Sakadda wuxuu ku bixinayaa Dalaggii usoo go’ay, laakin culimadda qaar  baa baneeyay in qofku ku bixin karo lacag ama qiimaha uu suuqa ka marayo Dalaggu.
    Qormadda xiggta waxaynu kusoo qaadan doonaa: Laakin side ugu haboon ee Xoolaha nool loo sakeeyaa?
    Qalinkii iyo Diyaarintii: Mustafe Abib Maxamed
    mustafeabib@hotmail.com
    Tel: +252-63-4426103

    You may also like...

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *