Side ugu haboon ee Xoolaha nool loo sakeeyaa? Q: 9aad
Tirradda Geela |
Neef ku waajibay |
1–4 |
Sako laguma laha |
5–9 |
Lax kaliya |
10–14 |
2 laxaad |
15-19 |
3 laxaad |
20-24 |
4 laxaad |
25-35 |
ina hooyo uurlay (go’ jir) |
36-45 |
ina hooyo caano lay (laba jir) |
46-60 |
qaalin saddex jir ah (rimid mudatay |
61-75 |
qaalin affar jir ah |
76-90 |
2 qaalmood oo labo jiro ah |
91-120 |
2 qaalmood oo saddex jiro ah |
121-129 |
3 qaalmood oo laba jiro ah |
130-139 |
3 jir iyo 2 labo jiro ah |
140-149 |
2 saddex jiro ah iyo 2 labo jiro ah |
150-159 |
Saddex saddex jiro ah |
160-169 |
4 labo jiro ah |
170-179 |
3 labo jiro ah iyo qaalin saddex jir ah |
180-189 |
2 labo jir ah iyo 2 saddex jiro ah |
190-199 |
3 saddex jir ah iyo qalin labo jiro ah |
200-209 |
4 saddex jir ah iyo 5 labo jiro ah |
40 halaad oo kasta waxaka baxaya qaalin laba jir ah, 50 halaad oo kasta waxa ka baxay qaalin saddex jir ah |
Tirradda Lo’da |
Neef ku waajibay |
1–29 |
Sako laguma laha |
30-39 |
Qaalin gu’ jir ah |
40-59 |
Qaalin laba jir ah |
60-69 |
2 Qaalmood am Dibbi |
70-79 |
1 gu’ jir ah iyo 1 laba jir ah |
80-89 |
2 labo jiro ah Qaalin ama Dibbi |
90-99 |
3 Gu’ jiro ah |
100-109 |
1 laba jr ah iyo 2 Gu’ jiro ah |
110-119 |
2 laba jiro ah iyo 2 Gu’ jiro ah |
120-129 |
3 laba jiro ah iyo 4 Gu’ jiro ah |
intaa wixii ka badan 30kii qaalmood ba waxa laga bixinayaa Qaalin ama Dibbi 40 kasta waxaa laga bixinayaa Qaalin ama Dibbi laba jir ah |
Tirradda Adhi |
Neef ku waajibay |
1–39 |
Sako laguma laha |
40-120 |
Lax |
121-200 |
2 Laxaad |
201-399 |
3 Laxaad |
400-499 |
4 Laxaad |
500-599 |
5 Laxaad |
intaa wixii ka badan boqol kasta Lax kaliya ayaa laga bixinayaa. |
1. Loo shardiyi maayo in Xoolaha la sakaynayaa in ay foofaan, iyo in ay Beerta lagu dhex daajiyo.((طبقا لمدهب المالكي
2. Xoolaha wax soo saarka loogu tallo galay (liskinka ah), waa laakaynayaa mana aha Hanti ma-guurto ah (Fixed Asset).
3. Sakaddu way ku waajibaysaa Xoolaha yar iyo waynba.
4. Qofka Xoolo Nool leh oo kala jooga goobo kala duwan waa la isku Sakaynayaa sidii Xoolo kaliya oo wada jooga.
5. Sakadda ku bixinaysaa Xoolaha dhexe.
6. Xooloba Xoolahooda ku waajibay ayaa Sakadda lagaga bixinayaa tusaale: Geela;Geelu ku waajibay Geel uunbaa lagaga bixinayaa.((طبقا لمدهب الحنفية
7. Hadii laba qof xoolohood isku xero, aroor iyo foof noqdaan waxaa la xisaabinayaa sidii Xoolo nin kaliya leeyahay.
8. Haddii Xoolaha ay Damaan yihiin waxaa loo sakaynayaa sidii Lacagta ama Ganacsigga, laakin Hadii ay dhaqmaad yihiin sidii caadiga ahayd ee Xoolaha Nool baa loo sakaynayaa.