Yaa la siyaa Sakadda?Side loo kala siyaa dadka la siiynayo Sakadda? Q: 14aad Sakaatul Maalka ma laga dhoofin karaa Deegaanka laga ururiyay? Q: 15aad

Qormaddii 14aad
Yaa la siyaa Sakadda?Side loo kala siyaa dadka la siiynayo Sakadda?
Sakaddu waa tiirka saddexaad ee shanta tiir islaam, sida uu ino cadeeyay Nabegena Muxamed binu cabdulaah khayr khalqulaah (SCW).
            Sidaa si lamid ah ayuu Ilaahay (CWJ) inoo caddeyay dadka la siinayo Sakadda, isagoo Ayadd sariix ah ku sheegay, waynu sheegi doona Ayadaase, waxaa iga dar-daran ah, waxaa jira in badan oo dadkeena ah inay sakadooda siiyaan cidd aan ahayn dadkaa Ilaahay sheegay, taasi ay wiiqi doonto ajarkii uu doonayay qofkaasi.
            Hase ahatee si ay Sakaddadu u noqoto tii Ilaahay inoo tilmaanay fadlan aad u dhugo qormadeenan oo aynu ku tilmaami doono dadka lasiinayo, taas oo dhaabad u ah ama mus-dambeed quraanka sunaha iyo fataawaha culimadda Islaamka ah.
Hadiii aynu kuso dhawaano dadka sakadda la siinayo waa:
1.      Fuqaradda
2.      Masaakiinta
3.      Shaqaalaha Sakadda
4.      Kuwa Qalbiyadooda la soo jiidayo Islaamka (Maddaxda Gaalada)
5.      Kuwa la haysto ee Islamka ah
6.      Kuwa Daynta aasan
7.      Muslimiinta Jihaadka kujirta
8.      Socotadda
Daliilka sariixa ah ee inoo tilmaamaya Sideedan kooxod ee sare ku xusan waa:
قال تعالى {إِنَّمَا الصَّدَقَاتُ لِلْفُقَرَاءِ وَالْمَسَاكِينِ وَالْعَامِلِينَ عَلَيْهَا وَالْمُؤَلَّفَةِ قُلُوبُهُمْ وَفِي الرِّقَابِ وَالْغَارِمِينَ وَفِي سَبِيلِ اللَّهِ وَابْنِ السَّبِيلِ فَرِيضَةً مِنَ اللَّهِ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ} [التوبة : 60
Mid-mid aynu usoo qaadano dadka Sakadda la siinayo:
1.                 Fuqaradda
Fuqaradda waxay culimaddu ku qeexaan laba qeex oo iska hore jeeda,
Mar waxaa lagu qeexaa in Fuqaraddu tahay dadka aan haysan quutal daruurigooda ama aanu u dhamays tirnayn oo saddexda wakhti si dhamaystiran u helin,
            Islamarkaana ah darajadda ugu hoosaysa ee bulshadda xagga dhaqaale ahan
Ta labaadna; cullimaddu waxay ku qeexaan in Fuqaraddu tahay qof aan wax ku filan haysan hase aahtee saddexda wakhti iska hela.
            Si kastaba ha ahaatee, cullimadu waxay farrta kusii goday Fuqaradda koox kasii mid ah oo aan lahayn dad ama ehel gacanta ku haya, ama dawlad ka musuula dhaqaalahooda iyo baahidoda waana:
·         Agoonta iyo caruurta wadooyinka laga hello
·         Dumarka la Furray
·         Duqayda ama dadka talax-gabay
·         Bukaanka iyo curyaamiinta
·         Fuqarada jeelasha ku xidhan
·         Fuqaradda wax shaqo ah hayn haba yaraatee.
2.     Masaakinta:
Masaakiintu waa dadka yara sareeya Fuqaradda in kastoo cullimaddu halkaa ay ku la duwan yihiin oo Fuqaradda iyo Masaakiinta kolba mid la saraysiiyo xagga dhaqaalaha,
Shaafici iyo Xambali waxay ku tilmaamen Masaakiinta in ay Fuqaradda ka yara sareeyaan Masaakiintu dhaqaale ahaan,
Hase ahaate Xannafi iyo Maaliki waxay iyagu ku tilmaameen in Masaakiinta in ay Fuqaradda ka hooseeyaan Masaakiintu dhaqaale ahaan.
Si kastaba ha ahaatee.waa dadka la siinayo sakdda ee ilahay (CWJ) si cad Quraankiisa Kariim ka ah ugu sheegay.
3.                 Shaqaalaha Sakadda:
Sakaddu waxay u baahan tahay dad u hawl galla oo soo ururiya, qofkasta oo ay ku waajibtana kasoo qaada, isla markaana kuso shuba Baytul Maalka ummadda,
            Shaqadoodu mahaa uun in ay soo ururiyaaan, balse waa kaydinka Sakadda, Ilaalinteeda iyadoo dawalada halka ka jirta gacan ka helaya, iyo waliba in ay qatbiyaan Sakadda si sharcigga waafaqsan,
Waxa kale oo ay cullimaddu mucaasirka ahi sheegaan in haddii Sakadda baaqi soo hadho marka la qaybiyo ka dib sidii dhacday wakhtiggi Cumar Binu Khadab (RLC), in ay shaqalaha Sakaddu ay maal-galin ku samayn karaan, iyaddo meelo sharcigga waafaqsan lagu maal-galinayo, isla markaana ay iyagu (Shaqalaha Sakadda) gacanta ku hayaan Ummaddana uga masuul ahaanayaan.
4.                 Kuwa Qalbiyadooda la soo jiidayo Islaamka (Maddaxda Gaalada):
Saddex baynu u kala qaadi doonaa kuwa qalbiyadooda diinta Islamka losoo jiidayo, hase ahaatee dadkani loo eegi maayo in ay Qani yihiin iyo in ay Fuqarro yihiin, intaa waxaa kuu dheer waa dad aan Diinta Islaamka ku jirin, laakin ujeedo kale oo ayaa laga leeyahay Sakaddan la siinayo (soo xerro galin).
            Bal anu kala yara saafno qoladdan:
A.    Kuwo diinta Islaamka jecel, laakin aan wali soo galin: kuwan waxaa la rajaynayaa in ay soo galaan Diinta oo ay wanaaga Musliminta iyo Sakaddasi raadayso.
B.     Kuwo jecel in ay u gargaaraan Muslimiinta (dadka Islamka ah): kuwani waxay noqon karaan:
a.       Maddaxda ama dadka ay talladu ka go’do (Ilaah baa tallo ka go’daye) (Make Decisions), taas oo qalbiggooda siinta Sakadda lagu hananayo.
b.      Dadka u gargaara Jaaliyaddaha Muslimiinta ah ee waddamaddaa Gaaladda la jooga.
c.       Mufakiriinta in lagu soo dhaweeyo si loo hanto, uguna gargaaran Islaaamka.
C.     Dadka diinta Islaamka lasoo galinayo (تبليغ الذين الإسلام): iyadoo la addeegsanayo haayaddo Islaami ah iyo NGO yo ayaa waxaa lagu gaadhsiinayaa diinta Islaamka dadka Gaalada ah, Islamarkana lagu bixinayaa Sakadda, Waa inaggu waajib in diinteena Islaamka ah ee macaan aynu faafino, qof walibana iska xil saaro, inagoo ka duulayna xadiiskeenii Rasuulku (SCW) uu ku yidhi (بلغوا غني ولو لأيه), qofkii Ayaad quraan ah garanayoow gaadhsii dadka.
Saddexdaa aynu sare kusoo xusnay, Siinta la siinayo Sakadda waxa lagu sii xidhay qodob oo muhiim ah:
1.      In laga yeesho Siyaasad Sharci ah, isla markaana Ujeedo dhab ahi jirto.
2.      In la qorsheegyo inta Sako ah ee ku baxaysa qoladan, si loogu sadd-burrin.
3.      In laga tig-toonaado siyaabaha loo bixinayo, iyado laga fogaanayo in natiijo celin xun (feedback) ay ku yeelato qofkan qalbigiisa lasoo dhaweeynayo, ama Islaamka xumaan usoo jiida.
5.                 Kuwa la haysto ee Islamka ah:
Barrigii hore waxaa jiri jiray Adoomo Muslimiin ah oo lagu qabsan jiray dagaallada ay gaaladda la galaan, kuwaa ayuu nasku kuso dagay, hase ahaatee wakhtiggan ma jiraan Adoomo sida qaalibka ah,
Markaa Culimaddu waxay ku fasiraan in wakhtigan ay la siman yihiin Maxaabiista Dagaaladda lagaga qabsado Muslimiinta.
6.                 Kuwa Daynta aasan:
Daynta ay kooxdan u aasantahay waa dayn iskugu jirta mid shakhsi ah iyo mid Dan caama loo galay, oo isagga u gaar ah, laakin aanu iska bixin karin, Diinteen Macaan ee Islaamka ah waa Diin Maslaxdeed, wayo qofka waxaa la ilaalinayaa mooralkiisa si aanu u noqon qof nolosha ka dhaca, ama si sharaf daro ah ugu dhex nooolado bulshada, taa Diinteenu way kasoo hor jeedaa.
Haddaba dadka dayntan laga bixinayo waxaynu u kala saaraynaa Afar kooxood:
1.      Qof dayn shakhsi ah loo haysto: Si daynta looga bixiyo qofkan waxaa loo kala dhigay qodobo dhawr ah:
v  In aanay dayntu ka dhalan shay Macsi ah (xaaraan ah).
v  In dayntan uu u xidhan yahay (xabsi)
v  In aanu iska bixin karin daytantan.
v  In daynta bixinteedu wakhtigeedii la joogo.
2.      Qof dayn Maslaxad Bulsho ah galay: daynta wuxu u galay isagoo dad Muslimiin ah kala bad-baadinaya, tusale isagoo Maggo la isku haysto uu dayn kusii kala saaray, isagoo dhiig daataa ka baajinaya Muslimiinta, haduu doono ha ahaatdo qof Qani ah, dantaa Sakadda laga bixinayaa.
3.      Qof damiin ka ah muslimiin Dayn lagu leeyahay: kadib markaa ayaa kii damiintay iyo kii laga damiintay labadooba ay bixin kari wayeen dayntii, taana Sakada ayaa laga  bixinayaa.
4.      Qof dil aan kas ahayn ku kacay (قتل الخظأ): qofkaas oo loo haysto Maggta qofkaa u dilay, islamarkaa isagoo aan iska bixin Karin ama maskax ahaan ba u dhamays tirnayn, walibana Bayltul maalkii Ummada muslimiinta ahi aanu awoodin in laga bixiyo hadii uu jiro Baytul Maal.
7.                 Muslimiinta Jihaadka kujirta:
Waxaa looga jeeda kooxdan, waa dadka u dagaalamay inay kalimadda Ilaahay sarayso, iyo xifdigga diinta Islamka, hase ahaatee Culimada Mucaasir ka ah waxay kale oo ay kusoo daraan kooxo kale sida hoos ku xusan
·         In lagu maal-galliyo dhaq-dhaqaayadda Islaamigga ah kuwaas oo ujeedadoodu tahay sidii ay Islaamka kor ugu qaadi lahayeen
·         In lagu taageero si kali-kaliya ama kooxo ah aba cidii xukunka Islaamka kusoo celinaysa Waddamada gacanta Muslimiinta ka baxay.
·         In lagu sameeyo xarumo laga Faafiyo Diinta Islaamka Waddama Gaaladda si diinta loo gaadhsiiyo.
8.                 Socotadda:
Waa qof socoto ah, oo aan joogin Deegaankiisii, isla markaana aan haysan wixii uu ku gaadhi lahaa Dagmaddiisii, waxaa loo shardiyay dhawr qodob:
·         Waa inuu safar ku yahay goobta uu ku suggan yahay.
·         Inaanu safarkiisu ahayn ku sharciyga waydaarsan
·         Waa in aanu haysan wax uu ku gaadho Deegaankisii, hadduu doono Qani ba ha ahaadee.
Ok, siddeedaa kooxood ee aynu sare kusoo xusnay waa inta Sakadda la siinayo ee Ilahy inoogu sheegay Quraanka Kariimka ah,
Haddaba waxaa jira qolooyin aan lasiin karin Sakadda oo aanay ku baxayn bal anu eegno:
1)             Ehelka Nabigeena (SCW)
2)             Qofka ay kugu waajib tahay Nafaqadiisu (waalidkaa oo kale)
3)             Qof aan muslin ahayn marka laga reebo qofka qalbigiisa diinta lagu soo jiidayo.
Haddii intaa aynu kusoo dhaafno, dadyawgii Sakadda la siinayay iyo kuwii aan la siinayn bal anu eegno siyaabaha loo bixinayo Sakadda.
Side loo kala siyaa dadka la siiynayo Sakadda?
Waxaynu kusoo koobi doonaa siyaabaga loo bixinayo sakadda laba qodob, inagoo u kala saari doona 8dii kooxood laba qaybood.
Kooxda kowaad:
ü  Fuqaradda
ü  Masaakiinta
ü  Shaqaalaha Sakadda
ü  Kuwa Qalbiyadooda la soo jiidayo Islaamka
Kooxdan waxaa lasiian doonaa qaddar Lacag ah oo ku filan baahidooda ama qalab wax soo saar si ay uga baxaan xaaladaa hore ee ay ku jiraan, walibana ay noqdaan sannadka dambe kuwo isku filan oo horumar gaadha.
Kooxda labaad:
ü Kuwa la haysto ee Islamka ah
ü Kuwa Daynta aasan
ü Muslimiinta Jihaadka kujirta
ü Socotadda
Kooxdan sare ku xusan, waxaa la siin doonaa wax ay kaga baxaan dhibka haysta, kuwa la haysto laga soo furto, kuwa daymaysan daynta lagaga bixiyom, ku jihaadkana abaal gudd lagu siyo, socotaddana lagu gaadhsiyo Degaankoodii.
Goormaa la bixinayaa Sakaatul Maalka?
Sakaatul Maalka sidaynu soo sheegnay sannadkii hal mar ayaa la bixinayaa, waanay muddaysan tahay.
Lama ogolla in dib loo dhigo sakadda, markay xiligeedii gaadho in qofku iska bixyaa, hadii laga qarmi waayo oo ay duruufo ku yimaadaan qofka waxaa loo kaadin karaa Laba bilood ama 60 cisho.
Sakaatul Maalku kaa gudmi maayo ama kaa bixi maayo hadi aad qodoban hoos ku xusan aad kugu dhacaan:
1.      Haddad dhimito laga dhaafi maayo Sakadda, dardaaran ama ha dardaarmin
2.      Haddad laba sano is gadhsiiyo waa in aad labaddab aad wada bixisaa hal mar, iyadoo anay qurux badnayn in laba sano la is gaadhsiiyo.
3.      Haddii aad Kacdo ama aad Musalafto sannadkii gudihisa laba mid uun bay Sakaddu kaga dhacaysaa (lagaaga dhaafayaa):
a.       Adoo Maakii ku dhaafeen intii anad ka Sakayn.
b.      Qofkii oo dadaalay, laakin Maalkii ka faro baxay (Musalafay)
4.      Haddii beer tii ba’do intii aan la goyn, Sako laguma laha, laakin haday ba’do oo ay soo hadhaan wax Nisabki gaadhaa(653kg), intaa soo hadhay bad ka Sakayn.
5.      Qofka Sakada soo ururinayaa isagaa ka masuula Maalka Sakadda ah wixii ku yimaada, laakin hadii Maalku ku lumo ama lawaayo isagoon aan Baylihin (dayicin) wax damaanad ah laguma laha.
Qalinkii iyo Diyaarintii: Mustafe Abib Maxamed
mustafeabib@hotmail.com

Tel: +252-63-4426103


Qormadii 15aad
Sakaatul Maalka ma laga dhoofin karaa Deegaanka laga ururiyay?
Sakaddu waxay tahay isku dheeli tir dhaqaale oo Bulshadda Muslimiinta, isku gargaar Muslimiinta kala Deegaan ka ah, Xorayn muslimiinta Gaaladdu haystaan. Isku soo dhawaansho dadka Islaamka wadaaaga.
Sakadda marka laga dhamaystriro Deegaankii laga ururiyay, wixii soo hadha ee saa’id ah ayaa laga dhoofin karaa, marka laga reebo iyadoo Muslimiin ayku dhacdo masiibooyin Dabiici ah sidda:
·         Abaaro lagu hoobtay
·         Duufaano
·         Gaajo ku habsta Muslimiin
Haddaba waxaa is waydiin muddan masaafo intee leeg baa la odhan karaa waa isku deegaan ah?
            Masaafadda isku jirta 82km ayay Culimaddu u aqoonsatay in ay tahay isku Deegaaan.
Ok, Sakadda in laga dhoofiyo Deegaankii laga ururiyay waxaa loo dhoofin karaa:
1.      In loo dhoofiyo Sakadda goobaha Jihaadku ka socdo.
2.      In loo dhoofiyo goohaba Dacwada, Wax-barashada iyo Caafimaadka ee mutaystay in Sako la siiyo.
3.      In loo dhoofiya goobaha Masiibooyinka Dabiicigga ahi ku habsadeen ee Wadamadda Muslimiita ah.
Intaa wixii saksoo haddha culimaddu waxay sheegen in ay tahay Karaahiyo.
Qalinkii iyo Diyaarintii: Mustafe Abib Maxamed
mustafeabib@hotmail.com
Tel: +252-63-4426103

You may also like...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *