Taariikhtii Maxamed Mursi oo kooban, madax waynahii la inqilaabay ee Masar.
Taariikhtii Maxamed Mursi oo kooban, madax waynaha la inqilaabay ee Masar.
Noloshiisii:
Maxamed Mursi Ciise Ciyaad oo ku magac dheer Maxamed Mursi waxa uu dhashay 20 Aug 1951 tuulada la yidhaa Caddwah isla xaafada barri. Waxaanu ku bar-baaray isla tuuladaa Caddwah.
Aabihii wuxuu ahaa Beer-wale (beerallay) hooyadii guri jog ayay ahayd sida caadiga u ah dumarka masar. Maxamed wuxu la dhashay laba hablood iyo saddex wiil, isagaana ugu waynaa oo curradna u ahaa qoyskooda,jaamacadda Qaahira ayuu usoo waregay isagoo ka noqday macalin ama (Lecturer). Inta ka dib wuxuu galay ciidamada badda sanaddii 1975 isagoo ka midd noqday guutadda labaad.
Maxamed waa xaaslay wuxuna guursday 30 Nov. 1982, waxaanu dhalay shan caruur ah:
· Shimah
· Usama
· Cumar
· Cabdulaahi
Shaqooyinkiisi iyo tacliintiisa
1. 1975kii Degree ugu horeeyay wuxuu ka qaatay Jaamacada Qaahira kuliyada Engineering isoo keenay darajada u saraysa A grade ka ama (mumtaaz ka).
2. 1978kii Master na wuxu ka qaatay Jaamacada Qaahira isoo ka qaatay Philosophic Engineering.
3. Master kale wuxu ka diyaariyay Jaamacadda South California ee ku taal Maraykanka isla Engineering kii uun isla markana uu macalin ka noqday.
4. 1982kii PHD waxa uu ka diyaariyay isla Jaamacada South California ee Maraykanka.
5. 1982-1985kii Borofoseer caawiye ayu ka noqday Jaamacad ku taal Maraykanka oo la yidhaa North Rich, waxna uu ka dhigay jaamacadaa.
6. 1985kii Wuxu noqday maddaxa Kulliyadda Engeneeringka ee Jaamacadda Saqaasiiq ee Masar .
7. Isagoo buuggag badana ka qoray waxa loo yaqaan HABAYNTA OOGGADA WALXAHA MACDANTA AH. (معالجة أسطح المعادن).
Siyaasadda.
· Ururka Ikhwaanu Muslimiinka wuxu ku biiray si ku meel gaadh ah 1977kii, si rasmi ahna wuxuu ugu biiray 1979kii isagoo loo magacaabay xubinimo qaybta siyaasadda ah.
· Wuxuu isku sharaxay golaha shacabka 1995kii , laakin wuxu ku guulaystay sanadkii 2000kii. Isla 2005kii wuxu codd aad u sareeya uu kasuu baxay doorashooyinkii golaha shacabka ee baarlamanka.
· Waxaa loo doortay xubin guddida ladagaalanka Sahyuuniyadda.
· 2004kii wuxu ka xaadiray samayntii Jabaddii isbadal doonka.
· 30 April 2011 Waxaa loo doortay golaha shuurada Ikhwaanu Muslimiinka isagoo gudoomiyena ka noqday Xisbiga xornimada iyo caddaalada (حزب الحرية والعدالة).
Hadimooyinkii uu la kulmay.
1. 18 May 2006 ayaa maxkamadi ku xukuntay 7 billood kadib markii lagu eedeyay inu ka qayb galay mudaharaad lagu doonayay laba xaakin la badallo doorashoonyinkii baarlamka 2005kii Maxamuud Makki iyo Hishaam Bisdaawiisi.
2. 28 April 2011 waxaa loo xidhay Tawradii dhalin yaradda ee xilka ka tuurtay maddax waynihii Maxamed Xusni Mubaarak waxana lagu xidhay jeelka Waadi Nadruun isaga iyo maddax badan oo Ikhwaanka ah.
3. 2 Feb 2012 saddex wiil oo uu dhalay ayaa dhaawacyo soo gaadheen markii ay hareereeyeen 300 oo ah caloosha u shaqaystayaashii Mubaarak (Baldaqiyiintii) kadib markii geed ku yaal Magaalada Saqaasiiq ay ku xidheen 35 saacadood.
Musharaxnimadiisii
Ka dib markii uu ku wareejiyay Bikhayrat Shaadir , maxmed mursi musharaxa madax tinimada ee masar 7 April 2012, isagoo ku mutaystay sumcad wayn oo uu shacbiga dhexdiisa ku lahaa.
Nasiib wanaag maxamed mursi 24 june 2012 ayaa la shaaciyay inuu ku guulaystay doorashadii ug horaysay ee uu shacbi doorto madax wayne ee dalka masar isoo helay 51.7% shabacka masar, wuu kaga guulaystay dhigiisii la tartamayay Axmed Shafiiq oo helay isna 48.3%.
Saacaddo ka dib marki la shaaciyay guushiisaa ayuu ku dhawaaqay inuu iska casilay maddax golasha hanuuninta bulshadda ee Ikhwaanu Muslimiinka iyo maddax xisbiga Xorriyada iyo Caddaalada .
Dhimashadiisii
17kii Juun, 2019 TV-ga Masar ayaa ku dhawaaqay inuu dhintay, isagoo dhagaysigii Maxkamadda ku jira, taas oo uu TV-gaasi ku sababeeyay dhimashadiisaa imuu Wadnuhu Istaagay.
Dhimashadiisii
17kii Juun, 2019 TV-ga Masar ayaa ku dhawaaqay inuu dhintay, isagoo dhagaysigii Maxkamadda ku jira, taas oo uu TV-gaasi ku sababeeyay dhimashadiisaa imuu Wadnuhu Istaagay.
Diyaariye: Mustafe Abib Mohmed
Hargaysa, Somaliland.