Maxa u dhexeeya Baananka Islaamiga ah Iyo Baananka Ribawiga ah?
Waa maxay baan dul-saar leh (Ribo)?
Waa maxay baan islaamiya?
Maxa u dhexeeya Baananka Islaamiga ah Iyo Baananka Ribawiga ah?
Baanka Ribada ah, ma kadaloob dhaqaaluu kena mise koboc dhaqaale?
Maxaa la gudboon ummada reer Somaliland?
Haddii aynu si kooban uga war bixino kalmadda Baan (Bank) meeshay ka timid, 1657kii ayaa magaalo ku taal Talyaanigga (Italy) oo la yidhaa Bunduqiyah, ayaa waxa jiray rag dadka u haya ama u ilaliya lacagaha iyo dahabka, taas oo ay mushqaayad ka qaadan jireen.
Nimankaasi dadka lacagaha iyo dahabka u hayn jiray, waxay ku shaqayn jireen miis iyo kursi waa qarniggaa 17aade, miiska ayaa affka Talyaaniga loo yaqaan Bonco, muddo ka dib ayaa loo roggaغ Banque (Bank) oo ah Baan, sidaa ayay ku timid kalmadsi.
Usoo noqo baananka dul-saarka leh iyo baananka Islaam kaوoo ay geedi socodka qormadeenan ay tahay, ma jecli inan taariikhdooda kusii dheeraado, kaliya inan is bar bar dhigo Ayaan jeclahay labada baan.
Waa maxay Baanka dul-saar leh (Ribo)?
Uma baahnin maanta in aynu faah-faahino waxa uu yahay Baan (Bank) waayo shay la iska yaqaan amintan aynu joogno.
Baan waa haayad maaliyadeed, oo lacagaha la dhigto, maal-galisana macaamiishooda, maal-galintaas oo noqon karta mid shareecaadu ogoshaya (Baananka Islaakma), Iyo xaaraan ah oo aan shareecadu ogolayn (Baananka Ribada ah).
Baanka dul-saar ka leh, waa baan ku shaqeeya inuu Ribo ama Dul-saar ku shaqaysto, isla markaana ay Ribaddu u tahay laf-dhabartiisa dhaqaale, lana odhan karo, Ribadda la’aanteed ma shaqayn karo Baanka dul-saarka ah (Conventional Banks).
Waa maxay baan Islaamiya?
Baanka Islaamka ah (Islamic Banks), si kooban waa baan ku dhisan ama ku qotoma shareecada diinta Islaamka, kana reeban dhamaan wixii kasoo horjeeda Diinta Islaamka, ama ay xaaratimaysay Diinta Islaamku sidda:
- Ribadda
- Khamaarka
- Khiyaamada
- Qararka (Kadsiimadda)
- Maalka kaso baxa wixii ay diiday diintu sida Khamriga, Hilibka doofaarka, Sinada IWM.
Haddii labada Baan, Baanka Islaamka iyo Baanka Dul-saarka leh(Islamic Banking iyo Conventional Banking), ay kala yihin Baan Diinta islaamka ku salaysan (Sharia Compliant), iyo Baan Ribo ku salaysan (Interest Based), sida guud, halkaa ayad ka garan kartaa faraqa u dhexeeya, hasae ahaatee waxaynu isku dayi doonaa, si faah-faahsan inaynu usii sheegno farqadooda ladabaa Baan.
Maxa u dhexeeya baan islaam ah iyo baan ribo ah?
Marka horeba, si kooban hadaynu u sheegno, waxay wadaagaan uun magaca loo yaqan Baan (Bank), waayo farqa u dhexeeya waa sidda dulka iyo cirrka.
Maxaa ka mid ah faraqa ku dhexeeya labda Baan?
1. Baanka Islaamigga ah waxa ugaara:
a. Shareecadda Islaamka ayaa u mus-dambeed ah (loo noqdaa): dhamaan wixii kasoo hor jeeda diinta waa mamnuuc, ama lama ogola in lagu shaqeeyo, iyadoo ay hagayaa culimo dinta ku xeel dheer cilmiga dhaqaalaha ee Fiqiga, oo Guddi u ah Baanka (Sharia Board), una dhabo gala dhamaan dhaq-dhaqaaqa ka socda Baanku in uu waafaqsan yahay shareecadda Islaamka.
b. Khasaaraha iyo fa’iidada wa la qaybsadaa wa marka shuraako jirto: Baanka aya maamiishiisa la shuraakooba, faa’iidada waxa loo qaybsanayaa sidii lagu heshiiyo, khasaarahana waxa logu qaysanayaa qofba raasa-maalkiisu inta uu leeg yahay (waa sida Madahabuhu isku raaceen). Iyado laga soo dheegtay qaacidada fiqiga ah ee الغنم بالغرم, muraabaxada oo kale qofna maalkisi ayu khasaaraya, qofna xoogiisii iyo wakhtigiisi.
c. Baanka islaamka hantidiisu waxay ku fadhidaa ama ku qotontaa hanti dhab ah, oo la taaban karo, hadii macamiilkiisu hanti lumiyo looga hayo hanti kale oo damaanad u ah, waa siyaabihii ay uga badbaadeen bananka islaamku bur-burkii dhaqaale ee 2008kii dhacay.
d. Baanka Islaamku wuxu lee yahy wax loo yaqaan Qardul Xasan, oo ah dayn lagu amaahinayo oo aan wax siyaado ah laga rabin, waana maslaxadiii ay diinteenu sheegtay.
Waxaa xasuusin iga muddan, inta badan dadka aan aqoonta u lahayn cilimiga Baananka Islaamka, ayaa waxa iskaga ekaada Banka Islaamka ah iyo Baanka Ribada ah, marka la joogo Muraabaxadda oo ah hab maal-galineed, oo Baanka Islaamku bixiyaan, ama isticmaalo.
Iska ilaali hana ku dhicin odhaahdii ay hore u yidhaahdeen Gaaladu ee ilaahay quraankisa ku shegay.) قَالُواْ إِنَّمَا الْبَيْعُ مِثْلُ الرِّبَا) 275سورة البقرة، الآيتان:
(…. Ribadduba waa iibka oo kale….)
Waa maxay Muraabaxadu?
Kalmadda Muraabaxo waxay ka timid kalmada carabigga ah ee Ribix (الربح), oo ah Halabsi, Ribix way ka duwan tahay kalmada Faa’idah luuqad ahan (الفائدة).
Ribix (الربح) waxa ka dhalataa isku badal lacag iyo walax kale, sida ganacsiga, waana raasa-maalka oo kordha iyadoo Ganacsi ama isku badal meesha yimaado.
Laakin Faa’iido (الفائدة) way ka duwan tahay Ribix, waayo, faa’iido waxay ka dhalataa raasa-maalka oo siyaada , kuna kordha wakhtiga uu ka maqan yahay, oo ay saami-quman la tahay korodhka wakhtiga, (markasta oo uu wakhtigu kordho, lacagta dulsaaka ahi ama faa’iidadu way kordhaysa).
Muraabaxadu waa qaab uu Baanka Islaamku uu kaa iibanayo Alaab, isla markaana uu Halabsi (profit) uu saaranayo, sidii uu qofka Ganacsatadda ahiba uu halabsi u saaran jiray alaabta uu iibanayo, mana aha lacag ama dayn lagu siinayo, laakin waa alaab lagaa iibinayo.
Muraabaxadu waa shay banaan diinteena Islamka, culimadduna Ijmaac ay isku raaceen, kullanka culimadda Fiqigga goaankii tirsigiisu ahaa 46 (5/8), ayay ku cadeeyeen in muraabxaadu sida iibka tahay, iibkana qof wali uu xor u yahay, waxaa kale oo aad ka eegi kartaa Kitaabka Muqinigga Ibu Qudaama, Majaladda 4aad bogga 102., Sheekh xasan Al-barsi oo isna sheegay inay banan tahay muraabaxadu.
Muraabaxadu waa iib, waayo shuruudaha muraabaxada waxa weeyi:
· In baanku gacanta ku dhigo ama mulkiyo hantidii, ka hor inta uuna macmiilkisa ka iibin.
· In baanku qaado masuuliyada hanitidaa, inta ay gacantiisa ku jirto haday wax noqoto.
· In baanku celiyo alaabta, haddii ceebi kusoo baxdo hantidii, ama heshiiskii wax iska badalaan.
· Macmiilku inuu ogyahay qiimaha laga siinayo alaabta, iyo qiimaha uu soo siistay Baanku alaabta, mad-madawga laga saaro.
· In lagu heshiiyo (Baanka iyo Macmiilka) sida lacagta loo bixinayo iyo muddada uu lacagta ku bixinayo.
· In la cadeeyo habka Iibiyuhu (Baanka), iyo Iibsaduhu (Macmiilkii) ay wax u kala iibsanayaan.
Tusaale:
Haddii aad Baan aad ka dalbato inuu Muraabaxo kaga iibiyo Gaadhi, gaadhigaa qiimaha uu macradka ku yaal waa $9000, baankii wuxuu tagayaa marcaradkii waxanu soo iibsanay a gaadhigii, isagoo boonada ama Invoice lagu qorayo macaga Baanka, isla markaan uu yahay Gaadhigii uu macmiilku ka dalbaday Baanka, kadib marka uu Baanku gaadhigii la wareego, ayuu macmiilkiisi kasii iibinayaa gaadhigii baanku, iyadoo Ribix saaraya baanku gadhgii (maha ribo waa sidi alaabta ganacsiga loo saari jiray Ribix).
Ka dib waxay ku heshiinayaan macmiilka iyo baanku mudada uu ku bixinayo alaabta uu sii daymiyay (waayo qofku iibkisaa wa u xor hadii cash kaga qado iyo hadu ku amaahiyo ba).
Hadhawna macmiilk dayntii u iska soo bixinaya isagoo soo dhamays tiriya lacagtii, kuna bixinaya muddadii la isku ogaa.
Baanka Ribidda ah (Conventional Banks): baankani waxaa si wayn, ama si cad ugu tiirsan yahay Ribadda, dhamaan adeegiisa uu qabto waxaa uu saaraa ama uu ka doonaa macmiilkisa Ribo, ama Dul-saar, ribadaa oo Islaamal gabi ahaanba ka xaaraan ah, ha yaraato ama ha badnaatee.,
Haddiiba, faraqa u dhexeeya labada Baan uu yahay Midi inu uku qotomo Diingta Islaamka, dhamaan waxay diidayna, uu diidan yahay, halka mid ka kalena uu ku tiirsan yahya ama uu kuma dhisan yahay Ribo, oo ah wax si cad ilahay inooga digay, qofkii cuna ama ku dhaqmaana uu ilahay Dagaal cad la galayo sida ku cad ayada quraanka ah ee suuradda Baqarah aayadda 279.
Intaa kusoo koob faraqa u dhexeeya labada baan, inagoo aan maqaalkan kuso wada koobi karin, waayo, waxan jeclaysatay in aanu ad u dheeraan maqaalkani.
Baanka Ribada ah, ma kadaloob dhaqaaluu kena mise koboc dhaqaale?
Marka lasoo hadal qaado Baan rabo ah, waxaa markiiba maskaxdada kusoo dhacaya Baan Islaami ah, inta aynan su’aasha ka jawaabin, aynu yara milicsano taariikhada labada baan.
Baanka ribada ahi waxa uu soo bilaabmay ilaa qarnigii 17aad (1657), muddo haatan laga joogo 357 sano, waxaanay ku faafeen dhamaan wadamada caalamka, laga reebo wadanka Somaliland.
Halka, Baanka Islaamku si cad usoo shaacbaxay qarnigii 20aad (1975), oo baankii ugu horeeyay ee ganacsi laga furay Dubai, hase ahaatee waxa la odhan karaa dhidibada ama mabaadii’da (Principles) uu ku taagan yahay Baanku Islaaku waxay jiraan muddo 1,400 oo sano ah.
Ilaa haddana waxa dhulka guudkiisa ka shaqeeya qiyaastii in ka badan ilaa 500 oo Baan Islaami ah. Hantidda ay ku sheqeeyana waxaa lagu qiyaasay ilaa $1.7 trillion, siday ay sheegtay daraasad ay samaysay World Islamic Banking Competitiveness sannadkii 2013, iyadoo wadamada islaamku dhaqaalahoodu yahay 1% ila 5% dhaqaalaha caalamka.
Halka daraasado kale sheegayaa in Baananka Ribadu ay leeyihin haniti lagu qiyaaso $17 trillion, aad bay uga hanti badan yihin marka loo eego Baananka Islaamiga ah.
Hase ahaatee nasiib wanaag, Baananka Islaamiga ah waxay hantidoodu sanad walba sare ugu kacdaa qiyaastii 15% ilaa 25% sanad walba, waa kor u kac aad iyo aad u wayn.
Tusaale ahaan, sanadkii 2008-2009 ayaa 43 Baan oo ku yaal waddamada Khaliijka mar laga qaaday daraasad xaga koboca ah, oo 17 ka mid ah ahaayen Baanan islaami ah, ayaa kobocoodu ahaa sidan:
· Baananka Islaamku 2008-2009 waxay sare u keceen 17.4%
· Baananka Ribada 2008-2009 waxat sare u keceen 1%
Ogow wadamadani waa meelaha aadka iyo aadka ugu xooga wayn yahay Bananka islaamku, isla markaana dhaqaalaha ugu badan ee Islaamku yaalo.
Waliba waxaynu odhan karnaa Bananka islaamku maha tijaabo, waa Banan hir galay lagana dheehan karo kobocooda dhaqaale ee xoogan (double digit), inay ay yihiin Bananka kaliya ee caalamka badbaadin kara, laguna tiirsan karo.
Tulsaale labaad, haddii aynu eegno masiibadii dhaqalaha ee ku habstay caalamka sanadkii 2008kii, haayada lacagta aduunka ee IMF (International Monetary Fund), ayaa waxay ku qiyaastay in Maraykanka (USA) iyo Yurub (Europe) ay khasaareen $2.8 tirillion sanadaha 2007-2010, hadii la kala saarana USA ay khasaartay 60% Baanankoodii, halka Yurubna 40% khasaareen Banankoodii.
Haddaba waxa xasuus iyo dheehasho muddan, halkay marayeen wakhtigaa Bananka Islaamku, mar hadii Bananki Ribadu sidaasi ku dhacday?.
Nasiib wanaag, koboca dhaqale ee Bananka Islaamku marna hoos umuu soo dhicin xiligaa bur-bruku ku dhacay Bananka Ribada, 15% – 20% ayuu sare u kacayay, taas oo ay aad iyo aad ulla yaabeen rer galbeedku, dad badan oo aan muslim ah na ku dhalisay inay usoo wareegaan ama la macaamiilaan Bananka Islaamka.
Ilaa hadda Bananka Islaamku kuma koobna oo kaliya wadama Islaamka, laakin waxa ay ku faafeen wadamada Yururb, kuwas oo soo dhaweeyey Bannaka Islaamka:
- Ingiriiska (UK)
- Faransiisk (France)
- Jarmalka (Germany)
Afirca wadamada aan Muslimka ahayn ee ay Bananku Islaamku gaadheen waxa ka mid ah:
- Koonfur Afrika (South Africa)
- Bootuswaana (Botswana)
- Kenya
- Ugaandha (Uganda)
- Tansaaniya (Tanzania)
Aasiya na waxa ka mid ah:
- Jabaan (Japan)
- Shiinaha (China)
- Singabuur (Singapore)
- Honk Kong
Sidaa daraadeed waxay inoo cad, ama aynu odhan karnaa Bananka Ribaddu waxay dhabarka jabinayaan ama kadloobinayaa dhaqaalaha caalamka, sidii dhacaday 2008dii, nasiib wanagna waxa badali kara oo lagaga maarmi karaa in la qaato Baananka Islaamka, si looga bad-baado dhibatooyinka dhaqaale ee laga yaabo inay musqbalka dhacaan mar kale.
Maxaa la gudboon ummada reer Somaliland?
Dhamaan ummadda Islaamka ah, gaar ahaan Ummadda affa soomaaliga ku hadashay, gaar ahaan Ummadda reer soomaliland hadday tahhay:
- Madax-wayne
- Wasiir
- Xildhibaan
- Suldaan ama Caaqil
- Culimo iyo Aqoon yahan
- Caamo.
dhamaanteen waxaa inla la gudboon, in aynu u hiilino diinteena muslimka ah, isla markaana ka dheeraano cadhadda alle iyo caddaabtiisa.
Waay, waxaynu odhan karnaa qofka u doodaya Baananka Ribawiga ah (Conventional Banks), ama taageeraya, waa qof dagaal kula jira ilahay, kana soo horjeeda diinta Islaamka si toos, ama badheedh ah,
Maaha weedh ama hadal aan iska idhi, ama an iska caadifad hadlay, ee waa hadal alle si cad ku yidhi Kitaabka Quraanka ah,
3ـ وقال عز وجل: {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اتَّقُواْ اللَّهَ وَذَرُواْ مَا بَقِيَ مِنَ الرِّبا إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ، فَإِنْ لَمْ تَفْعَلُواْ فَأْذَنُواْ بِحَرْبٍ مِنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ وَإِنْ تُبْتُمْ فَلَكُمْ رُؤُوسُ أَمْوَالِكُمْ لا تَظْلِمُونَ وَلا تُظْلَمُونَ} سورة البقرة، الآيتان: 278، 279.
(Dadka illaahay rumeeyaw, alle ka baqa, ka taga wixii hadhay ee Riba ah, haddad tihiin kuwa alleh rumaysan, Hadaydaan sidaa yeelin, ogaada daagaal ka yimaada xagga alle iyo rasuulkiisa SC, hadii aad toobada keetaan (Ribada qaadashadedi iska daysaan), raasal-maalkiinii uunbad leedihiin (bila Ribo), dulmiyi maysaan, idinkana la idin (gardaroon mayo) dulmiyi maayo).
Hore waxyanu usoo aragnay, in Banankii Ribada ahaa bur-bur badan ay ku keeneen dhaqaalihii caalamka, inagana Somaaliland ahaan nasiib waxaynu u yeelanay, ina aynu dhaqaalaheena ku unugno ama ku bilawno Dhaqale ku dhisan Ribo la’aan, waana fursad anay helin wadamada islaamku.
Waayo, ilaa hadda waxay wadamadu islaaklu la ciir-ciirayaan sidii ay uga hoos bixi lahaayeen Banankan Ribadda ah, oo ay si dhamays tiran u qaadan lahaayeen Bananka Islaamka, wadamadaa waxa ka mid ah:
- Malesia
- Paksitan
- Medil east dhamaantood.
- Indonosia
Haddadba inaga qofka doonaya, in la keeno Baan ribo ah, wadanka ma baaba’a ayuu la doonaya mise barbaarin? Ma cadho alle ayuu la doonayaa mise caado isga u gaara?
Magaran karno xiligan waxa lagu fali karo Baan Rabowi ah.
Qokfa taageeraya Bananka Ribooyinka ah, waa la qof mid uun:
1. Qof jaahil ah: ka jaahila Diinta Islaamka iyo aqoonta Dhaqaalaha Islaamka iyo Qof aan Diina Islaamka rumaysnayn oo Gaal ah.
2. Qof Jecel Ribadda: waa qof aan Diinta Islaaka Rumaysnayn, waayo waa qof ka hor imanaya hadalkii Alle ee Quraankiisa sidda cad uu ku sheegay.
Guntii iyo gunaanad kii
Soomaliland waa dal Muslim ah 100%, isla markaana suni ah 100%, ku darsoo waa dal aynu odhan karno waa dal soo koraya, oo imika hana-qaad u bilaambay, waa dal u dhexeeya laba dhinac oo ay ka jiraan dagaalo, bur-bur dhaqan dhaqaale, iyo dhinaca kale oo koboc dhaqaale oo la daa-dihinayo ku socda.
Waxaan maddaxda dalka, culimada, Aqoon yahanka kaleba u soo jeedinayaa, in laga faa’iidaysto fursadan dahabiga ah, ee Ina hortaa, lana owdo ama fureeyo, Bulaacadda dhaqale xumo ee uu wato Baananka Ribaddu.
Qofkii difaaca Bananka Ribada magaca uu doono ha ku sheegee, waxaan lee yahay u diyaar garaw dagaal aad ilahay iyo diintiisa la gashay, cigqaab alle oo aan waligaa ka hadhin, waayo, qofkasta oo Ribada aad u dooday wax ka cuna, dambigeeda waad lee dahay, xitaa haaddad dhimato way ku soconaysaa dambigaasi, waayo, seddex camal ma go’aan ayuu yidhi nabigeenii suubanaaa Muxamed (CWS),
Diyaarintii iyo Qalinkii: Mustafe Abib Maxamed
Email: mustafeabib@hotmail.com
Tel: 252-63-4426106