Sidee Loo Sakeeyaa Saamigga Ama Sheerka (Share ka)?
Saami (share): Waa qayb ka mid ah raasal-maal Shirkaddeed.
Saamigga in laga sakeeyo, iyo qaabka looga sakaynayaba, waxaynu cuskan doonaa Fataawihii la qabtay 3dii Aug 1984 oo lagu qabtay Dalka Kuwayd kaas oo ku saabsanaa Sakada.
Kaas oo tilmaamaya in Shirkadda loola dhaqmi karo sidii qof ama shakhsi kaliya marka laga hadlayo ka sakaynta Saamiyadda Shirkadda, marka laga helo qodobaddan:
1. Shirkaddu haddi ay leedahay xeer cadaynaya in ay ka sakayn karto hantidda.
2. Xeerkaa ka sakayntu waa in uu qoraal ahaan ugu jiraa xeerarka Shirkadda.
3. Xeerkaa ka sakaynta waa in Saamilayda guud ee Shirkaddu ansixiyaaan.
4. Qof kasta oo ka mid ahi Shirkadaan u ka raali yahay in Shirkadu maalkooda ka sakayso.
Shirkaddu waxay ka kooban tahay Saamiyo isu taggay, marka laga haddlayo Sakayta Saamiyaddaa, waxaynu u baahan nahay inaynu kala ogaano laba mid:
· In Shirkaddu Saamiyadda Sakadda iyadu ka bixiso.
· In Shirkaddu Saamiyadda Sako aanay ka bixin.
Waa ta horee hadii Shirkadu saamigga ay Sakadda ka bixso; Adiga (shareholder) lagaagama baahna inaad wax sako ah ka bixiso Saamigaga (share), iyadoo laga digayo in ay timaado Hanti kaliya laba jeer laga Sakeeyo, taas oo uu Nabigeenu Muxamed (SCW) inooga diggay si aan qofka loogu xadd gudbin, isagoo yidhi.
متفق عليه. .((لاثنى في الصدقة
Ta labaad, Hadii aanay Shirkaddu Saamiyadda Sako ka bixin iyana laba ayaynu u kala qaadaynaa:
1. Qofka Saamigga leh hadduu ka Ganacsaddo Saamiyada.
2. Qofka Saamigga leh hadii aanu ka Ganacsan Samiga ee uu faa’iidada uun qaato.
Ok, haddaba aynu ku horayno ta kowaad.
1. Qofka Saamigga leh hadduu ka Ganacsaddo Saamiyada:
Saamiggana laba ayaa loo kala jeexayaa:
a) Saamiygga
b) Faa’iiddo sannadeedka Saamigga (Dividend)
Waxaa kale oo xasuusin muddan, Saamiggu guud ahaan wuxuu leeyahay laba qiime, oo kala ah:
· Ka hore waa qiimaha Saamiggu kaga qiimaysan yahay Shirkadda (Book Value, Qiima Daftariga ah),
· Ka labaadna waa qiimaha uu suuqa ka taagan yahay (Qiima Suuqiyah)
Labadaa qiime waxaan uga socdaa, marka Saamigga uu khasaare ku yimaadok waxaa lagu sakaynayaa qiimaha uu Shirkadda ka joogo (Book Value qiima daftariyah),
Haddii uu faa’iido soo saaro Saamiggu sida inta badan dhacda waxaa lagu sakaynayaa qiimaha uu markaa suuqa ka marayo Saamiggu, waayo Saamiggu wuxuu ka mid yahay Ganacsigga xukunka ganacsiggana uu marayaa; iyadoo loosoo daliishanayo xadiiskii Abu Daa’uud:
عن سمرة قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ” كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يأمرنا أن نخرج الزكاة مما نعدّه للبيع “.
“Rasuulkeenu wuxuu ina farayaa in sakadda lagu bixiyo qiimaha shaygu markaa joogo”
Saamiga sakayntiisa waxaynu u kala jabin karnaa ama u kala qaybin karnaa labada qaybood:
a) Saamiyadda Shirkadaha waa wayn.
b) Saamiyadda Shirkadaha Dhexe iyo Yar-yar.
Aynu ku horayno Saamilayda Shirkadaha waa wayn ha ahaadeen ka ganacsiga sheerarka ama ganacsi kale oo laba qof in ka badan wada leeyihiin.
a) Saamiyadda Shirkadaha waa wayn.
Kasoo qaad in saamilaydu ay ka ganacsadaan saamiga.
Tusaale: waxaad haystaa 20,000 saami Shirkadda (X), 15ka Ramadaana waxaa ku began xisaab sannaddeedkaagii ama xiligii aad ka sakayn jirtay maalkaaga (closing entries).
Suuqa saamilayduna wuxuu ku xidhigay qiimaha samigga maanta ahaa (15kii Ramadaan) $28 sheerkiiba. Sidan ayaa loo sakaynaya markaa.
Qiimaha Saamiga maalintaa X Xaddiga Saamiga Hantiilaha X 2.5% (Hijri Calander) ama 2.577% (Gregorian Calander).
$28 X 20,000 X 2.577% = $14,431.2(Gregorian calendar)
Ama
$28 X 20,000 X 2.5% = $14,000(Hijri calendar).
b) Saamiyadda Shirkadaha Dhexe iyo Yar-yar.
Waxaa la Sakaynayaa Saamigga iyo Faa’iidada labaddaba si wadda jir ah.
Tusaale: Hadii aad Shirkad aad ku leedahay Saami (share) xadigiisu yahay $15,000(shan iyo toban kun oo dollar), Sannadkana uu soo saaray faa’iido leeg 40% , sako maxaa lagugu leeyahay?
Ugu horayn waxaad soo saartaa xaddiga faa’iidada Saamiggu soo saaray, marka labaad isku dar Saamiggagii iyo faa’iido sanadeedki uu soo saaray, ka dibna si wada jir ah uga sakee adoo ka sakaynaya 2.577% ama 2.5% iyodoo faah faahsan hoos ka eeg:
Saamigu waa = $15,000.
Faa’iido sanadeedku waa = 40% ($15,000 X 40% ) = $6,000 (Lix kun oo dollar) oo faa’iido ah.
Maalka Sakoobayaa waa = $15,000 + $6,000 = $21,000
= $21,000 X 2.577% = $541.17 (Gregorian calendar)
Ama = $21,000 X 2.5% = $525 (Hijri calendar).
2. Qofka Saamigga leh hadii aanu ka Ganacsan Samiga ee uu faa’iidada uun qaato:
Saamiga waxaynu u kala qaadnay laba:
· Saamigii
· Faa’iido sanadeedka Saamigga (dividend)
Marka la joogo Saamilayda aan ka ganacsan saamigooda, waxaa la ga sakaynayaa faa’iido sanadeedka oo kaliya, iyadoo aan la sakaynayn lafaha Saamigga, waxaana la xisaabinayaa ama loo aqoonsanayaa in uu yahay Fixed Asset (Hanti Maguurto ah), fixed assetkan kuma waajibto sako, sidaynu hore usoo sheegnay.
Tusaale: tusaalihii hore inagoo sii raacayna.
Faa’iido sanadeedku waa = 40% ($15,000 X 40% ) = $6,000 (Lix kun oo dollar) oo faa’iido ah.
Maalka Sakoobayaa waa = $6,000
= $6,000 X 2.577% = $154.62.17 (Gregorian calendar). Ama = $6,000 X 2.5% = $150 (Hijri calendar).
FG: Haddi ay jiraan faa’iido sannadeed aan wali Shirkaddu u qaybin Saamilayda (Shareholders) iyaddana si toos ah ayaa loo sakaynayaa.
Qalinkii iyo Diyaarintii: Mustafe Abib Maxamed
mustafeabib@hotmail.com
Tel: +252-63-4426103